Shangaani oo xalay guul ka gaartay dhiggeeda Marko

0

Degmooyinka Shangaani iyo Marko oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose ayaa xalay ku loolamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyaga oo soo bandhigay tartan aad u xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka E ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Marko oo tartanka isaga hartay ayaa heshay dhibco gaaraya 2, halka Shangaani ay keensatay 16 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here