Shariif “Xukunka marka la’isku dhajiyo waxaa laga dhaxlaa burbur Qaran”

0

MUQDISHO (SMN) – Musharax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay bandhig siyaasadeed ku aadan ololihiisa doorashada ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shariif ayaa kulankan ku muujiyey taageerada uu heysto, waxaana ka qayb-galay siyaasiyiin caan ah, xildhibaano, wasiiro iyo dadweyne kala duwan.

Khudbad dheer oo uu ka jeediyey madasha ayaa waxaa kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan olohiisa doorashada, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doono arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, dib u dhiska ciidamada iyo amaanada.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha ka jira dalka, wuxuuna yiri “Xukunka marka la’isku dhajiyo waxa uu dhaxalsiiyaa dadka magac xumo iyo burbur Qaran”

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here