Sheekh Aadan Madoobe oo guddi u xil-saaray xiisadda ka taagan Laascaanood

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta guddi xildhibaano ah u magacaabay xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed.

Guddigan ayaa warbixin ka soo diyaarin doono shaqaaqooyinka ka socdo magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa faray guddiga in uu si deg deg ah u howlgalo, kadibna uu warbixintiisa ku soo celiyo baarlamaanka Soomaaliya.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana haatan ka billowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, maadaama ay sii korortay xiisadda ka taagan gudaha magaaladaasi oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa galay todobaadkii labaad, waxaana looga soo horjeedaa dilalka inta badan dadka haldoorka ah loogu geysto gudaha magaaladaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here