Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka dalka Itoobiya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta sagoontin ah la qaatay safiirka xilka baneynaya ee dalka Itoobiya Danjire Cabdifatax Sheikh Cabdullahi.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka uga mahadceliyey wada shaqeyntiisii mudadii uu ka howlgalayay Soomaaliya iyo sida Dowladda Itoobiya ay uga go’antahay tageerada walaalnimo oo soo jireenka ah iyo garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo darisnimo, maadaama labada waddan ay leeyihiin xuduud dheer.

Itoobiya ayaa sidoo kale waxa ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee ka socdo Ururka Midowga Afrika.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here