Sheekh Aadan Siiro oo xalay ku geeriyooday dalka Hindiya

0

MUQDISHO (SMN).- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) oo kamid ahaa culimada caanka ka ah gayiga Soomaalida, ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya sida eheladiisu sheegeen.

Sheekha ayaa dalka Hindiya u joogay xaalad caafimaad oo uu la daala dhacayay sanadihii u dambeeyay, isaga oo ka cabanayay xanuunka macaanka oo saamayn xun ku yeeshay, iyadoo marar kala duwan uu caafimaad u aaday isla dalka Hindiya sanadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale Sheekh Aadan ayaa ahaa shakhsi lagu yaqaanay dal jaceyl iyo caawinta dadka jilicsan ee tabaaleysan.

Allaha u naxariistee Sheekha ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa dacwada, wanaag farista, taageeradii uu siin jiray danyarta iyo u hadalka cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here