Sheekh Mukhtaar Roobow oo si rasmi ah ula wareegay xilka loo magacaabay

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.

Xamza Cabdi Barre ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)  iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Amniga, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here