Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Diyaarada Ethiopian airways ayaa lagu soo warramayaa in shil ay ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada muqdisho.

Shilkan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah garbaha diyaarada uu waxyeello soo gaaray xilli ay dooneysay in ay ka duusho Garoonka Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha iyo rakaabkii saarnaa diyaarada ay badqabaan, inkastoo la arkayay qiiq isku shareeyay hawada.

Wixii warkan ku soo kordha waxaad kala socon kartaa Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here