Shil khasaare geystay oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay uu shil baabuur oo khasaare geystay uu dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolkaasi.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Buundada Qayaadsame oo u dhow magaalada Boosaaso ee xarunat ganacsiga Puntland.

Booliska Puntland oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in shilkaasi uu ku dhintay hal qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo kale.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ku badan shilalka gaari ee ka dhaca waddooyina waa weyn ee isku xira magaalooyinka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here