Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay maqaaxi lagu caweynayey oo ku taalla nawaaxiga isgoyska shaqaalaha, kadib markii uu bareeg-goostay gaari nooca raaxada ah.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen shan kale, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray darawalkii waday baabuurka shilka galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here