Shir looga hadlayey amniga doorashada oo lagu qabtay Teendhada Afisyooni

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada oo ka dhacay teendhada Afasiyooni, waxaana ka qeyb galay gudigga doorashada, ciidaamada amaanka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee ATMIS.

Shirkan oo saacad qaatay ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Guddigga Qabanqaabada Doorashada, ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amray in musharraxiinta imaaneysa hoolka dooraashada, xildhibanaada, kor-joogtada iyo suxufiyiinta loola dhaqmo si  ixtiraam uu ku jiro.

Dhanka kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey  dedaalka ciidanka amaanka ay wadaan iyo guddigaba, isaga oo musharaxiinta iyo cid kasta oo hoolka doorashada imaaneysa u sheegay in shaqada ciidanka lagu ixtiraamo taas looga gol leeyahay adkeynta ammaanka doorashada oo ku dhacda si nabdoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here