Shir looga hadlayey dhismaha wadada Jaziira oo lagu qabtay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga qeybgalay Shir looga hadlayay dhismaha Wadada Jaziira oo ka tirsan Degmada Wadajir.

Shirkaan oo uu Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda DFS iyo Danjiraha Dowladda Turkia u fadhiya Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo dhisi lahaa Wadada Jaziira oo muhiim u ah isu socodka shacabka Caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here