Shir muhiim ah oo maalintii labaad u socdo DF iyo dowlad goboleedyada dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka qaran ee xiriirka dowladaha hoose ayaa sharaxay ujeedka madasha isaga oo intaa raaciyey in inta uu socdo kulanka ay dhammaan daneeyayaasha dowladaha hoose ay xogaha isku weydaarsadaan, kuna wadaagaan  caqabadaha, qorshayaasha iyo guulahana si looga fogaado inay dhacdo firaaq/dulduleelo (gaps) shaqo.

Wasiir Fiqi, waxaa hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ay ka go’antahay dhismaha golayaasha deegaanka ay ku dhismaan qorshe Dowladdu leedahay, si Meesha uga baxdo in Degmo aan dhaqaale iyo shicib ahaanba aan is bixin karin gole deegaan loo dhiso oo wakhti iyo dhaqaale meel kale looga faa’iidayn lahaa lagu baxsho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi oo ka hadlay qodobbada wadar ogolka ah ee lagu heshiiyey shirka 12/11/2022, waxaa uu soo qaatay ilaa 12 qodob oo kala ah:

  1. In dib-u-eegis lagu sameeyo Hannanka Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Wadajir (Wadajir National Framework).

2.In Dowladdu dhammaystiro Degmooyinka dhimman iyadoo la hubinaayo ka qayb-galka haweenka, dhalinyarada iyo dadka (Gender inclusivity).

  1. In Dowladdu qorsha midaysan ka yeelato Arrimaha Dowladaha Hoose iyadoo lagu salaynaayo baahiyaha dhabta ah ee degmooyinka ka jira Lana waafajinaayo Qorshaha Qaran, kan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Qorshaha Hormarinta Degmada (District Development Framework – DDF).
  2. In Dowladdu ay maalgeliso qoonda muuqatana ku bixiso Dowladaha Hoose (Director investment and contribution) gaar ahaan mashaariicda adeegga asaasiga ah (Social Services).
  3. Si looga fogaado dib u dhacyada ku yimaada qorshayaasha iyo Heshiisyada (Letter of Agreements – LoAs) waa in dhammaan heshiisyada laga fekeraa macquulnimada in la wada qaban karo, kadibna wakhtigaas lagu heshiiyay waa in lagu qabto.
  4. In Dowladdu ku dadaasho inay maamulka daadejiso iyadoo la raacaayo Siyaasadda Maamula Baahinta heer Federaal iyo Dowlad Goboleed (Decentralization Policy).
  5. Si loo kobciyo awoodaha Dowladaha Hoose waa in Macaahidda Dowladaha Hoose ee heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir la hawl-geliyaa.
  6. Isbadalka cimalada ayaa loo arkay xaalad taagan, si loog jawaabo taas waa in dowladaha hoose door ku yeeshaan ka jawaabidda isbedellada Cimilada (climate change) iyo maaraynta musiibooyinka ka dhasha cimilada si looga hor tago Abaaraha soo noq-noqda.
  7. In degmooyin gacan lagu siiyo kobcinta ilaha dakhliga gudaha (Domestic Revenue) si degmooyinku u gaaraan isku-filnaansho dhaqaale, lana xoojiyo hannaanka daadejinta maaliyadda (Fiscal Decentralization).
  8. In kaalmada Degmooyinka la siinaayo lagu dar kharashaadka joogtada ah sida gunnada shaqaalaha, adeegyada xafiisyada IWM, hannaan dowladu kula wareegto oo tartartiib ahna loo sameeyo.
  9. Xilli miisaaniyadeedka dalka oo ah Janaayo ilaa December, waxaan lagu taliyay in sanad miisaaniyadeedka kaalmada la waafajiyo tan dalka si looga baaqsado dib dhac iyo isla jaan-qaad la’aan.
  10. In kaalmada degmooyinka la mariyo habka maamulka maaliyadda dalka ayaa iyadana loo arkay talaabo xoojinaysa isla xisaabtanka iyo helitaanka xog maaliyadeed qaran oo qorshayaasha lagu salayn karo iyo sidoo kale in la xoojiyo nidaamka dakhli ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here