Shir muhiim u ah ku biirida Somalia ee Ururka EAC oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweyne muhiim ah, kaas oo ku saabsan hannaanka xaqiijinta shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya ee ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

 

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya illaa 40 ergo ah oo ka socota dalalka afrika, kuwaas qayb ka ah kooxda xaqiijinta dalalka cusub ee ku biiraya ururkan.

Wasiir Huruuse o la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday inay xoogga saari doonaan sidii ay Soomaaliya ugu biiri laheyd Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, kaas oo uu dadaal xoogleh galiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dib uu doorashadiisii dhacday 15-kii May ee sanadkii la soo dhaafay ee 2022-ka.

Loolanka ay Soomaaliya ugu jirto inay noqoto xubinta 8-aad ee Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa haatan marayaya meel wanaasgan, maadaama dalalka xubnaha ka aha ururka ay u heellan yihiin in la helo dalka leh xeebta ugu dheer oo qayb ka ah ganacsiga EAC.

Bulshada Bariga Afrika waa urur goboleed ay ku midaysan yihiin illaa todobo dal, kuwaas oo kala ah Burundi, Congo, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Tanzania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here