Shirka arrimaha doorashooyinka oo ka furmay magaalada Muqdisho

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa mudada uu socdo diirada lagu saaraya dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada  Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Sidoo kale gaba-gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan xaaladda dalka iyo dadar-gelinta doorashooyinka 2021-ka.

Doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid muddo dheer ka soo taagnaa heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here