Shirka Banbaxa Maamulka G/Banaadir oo ka furmay Muqdisho [Sawirro]

0

Muqdisho, 10ka Janaayo 2023: Shirka banbaxa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu qorsheynayo howlaha hortebinta u leh caasimadda ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo dhameystirmay hoggaanka cusub ee gobolka loo magacaabay.

 

Shirka oo muddo afar maalin ah soconaya ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaanka sare, Agaasinnadda, la talyeyaasha, guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka, waxaana la qorsheeyay in diiradda lagu saaro; Istraatiijidda Guud ee Gobolka 5ta Sano ee soo socota oo lagu saleynayo baahiyaha taagan iyo sidii loo dabooli lahaa, isla markaana lagu larayo shaqo tilmaame cad oo lagu howlgalo iyo qorshe howleed guud oo lagu qiimeeyn karo waxa qabsoomay.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu lafaguri doonaa dib u hagaajinta iyo casriyeynta qalfoota maamul ee gobolka si uu ula jaanqaado istraatiijiyadda guud. Waxaa sidoo kale muddadan la soo bandhigi doonaa habka ay u shaqeyneyso miisaaniyadda gobolka iyo habka lagu saleeyay howlaha hortebita u leh bulshada iyo adeegyada lagama maarmaanka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa furitaanshirka ka xusay baahida loo qabo nidaam daahfuran, karti leh oo ku shaqeeya habraaca la wada ogyahay oo natiijadiisu keeni karto caasimad hormarsan.

“Waxaa adeeg hufan bixin kara maamul isaga nidaamsan oo shaqooyinkiisa kala yaqaana o oleh si la iskula xisaabtamo, isku dubarid iyo howl socodsiin qoran oo muddeysan ayaan halkaan ka soo saareynaa, si ay u fududaato inaan adeeg dadweyne oo baahsan aan bixino” ayuu yiri guddoomiye MAdaale.

“Isku jaangooynta dhaqaalaha, shaqaalaha, howlaha loo baahan yahay iyo adeegyada waajibka ay tahay inaan bixinno ayaan soo bandhigeynaa, annaga oo bareyna howlwadeennada iyo mas’uuliyiinta sida arrintaan looga howlgalaayo” ayuu raaciyay.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ciise Guure ayaa xusay in isbedel lagu sameeyo hab-nonoleedka bulshada caasimadda ay ku xiran tahay in la bedelo habkii loo maamuli jiray Gobolka oo ay tahay in laga fikiro nidaam la jaanqaadayo xilligan.

Guddoonka cusub ee gobolka Banaadir ayaa afratii bilood ee la soo dhaafay ku mashquulsanaa dejinta istraajiiyadda uu gobolku ku howlagayo shanta sano ee soo socota oo isugu jirta hiigsiyada, halbeegyada, dakhliga, habr-aacyada maamulka, taas oo looga golleeyahay kordhinta adeegyada dadweynaha ee uu gobolu bixiyo.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here