Shirka dib u eegista siyaasadda Qaran ee dhalinyarada oo la soo gabagabeeyay

0

Gunaanadka shirka Dib u eegista Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta u aheyd maalintiisii labaad ayay ka qayb galeen hablo loo soo xulay ku biirinta soo jeedino la xiriiro dib u eegista siyaasada qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo magaalada Dhuusamareeb ay wadajir ugu qabteen Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Calas Cabdinuur Barre Gudoomiyaha dhalinyarada Caasimada iyo Caruuse Macalin Maxamed Gudomiyaha ururka Dhallinyarada Galmudug ayaa ugu horeyn ka waramay talada dhalinyarada ee siyaasadan qaran.

Cabdullahi Cabdi Maxamed Xiirey agaasimaha waaxda dhallinyarada ee Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federalka ayaa dhalinyarada reer Galmudug ku bogaadiyey talo soojeedintooda muga leh.

Ugu dambeyntii Cumar Cabdi Maxamed Agaasimaha Guud ee wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug ayaa kula dardaarmey dhalinyarada ka qayb galeysa shirkan in ay sii wadaan dhiiranaantooda oo ay qayb kasii noqdaan talooyinka lagu biirinayo shuruucda dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here