Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo natiijo wanaagsan laga gaaray

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan.

Shirka oo ka sii wanaagsanaanayey maalinba maalinta ka dambeeyey ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad, waxaana uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiya gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka. Hadda waxaa heer gabogabo ah maraya dhameystirka qodobada ka soo bixi doona heshiiska la filaayo shirka laga gaaro.

“Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here