Shirka golaha wada-tashiga qaran ee Muqdisho oo galay maalintiisii labaad

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo oo galay maalintiisii labaad.

Shirkan ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana madasha ku sugan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha weli ku geedaaman, si xal waara looga gaaro.

Sidoo kale arrimaha si aadka looga doodayo waxaa ka mid ah dhammeystirka doorashada Aqalka Sare, u diyaar garowga tan Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha doorashada.

Gabagabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno culus oo la xiriira doorashooyinka billowday ee dalka, si loo sii amba-qaado inta kale ee dhimman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here