Shirka golaha wada-tashiga qaranka oo ka furmay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii la qanciyey madaxweynaha maamulka HirShabeelle oo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shalay qaadacay shirka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegau in shirkan, oo uu oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Goor sii horeysay, Xafiiska Rooble ayaa sheegay inuu ka raali-geliyey madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudaalwe tabasho uu ka qabay ka qeyb-galka shirka.

Qoraalka xafiiska xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen rooble oo telefoonka kula hadlay madaxweynaha HirShabeelle Guudlaawe ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga.”

Cali Guudlaawe oo maalmihii dhowaa ku sugnaa gudaha dalka Turkiga, ayaa shirka maanta furmay uga qeyb-galaya Aaladda Zoom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here