Shirka golaha wadatashiga qaran oo galay maalintiisii labaad

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shirka golaha wadatashiga qaran oo galay maalintiisii labaad, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana sidoo kale goobjoog ah madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow shirkaasi ayaa innnoo sheegay in maanta madaxdu ay diiradda saari doonaan, sida loo dhammeystiri karo doorashada Golaha Shacabka oo weli ka socota dalka.

Wada-hadallad haatan u socda madaxda dalka ayaa kusoo aadaya, iyada oo ay xiisad culus ka taagan tahay Villa Soomaaliya, taas oo u dhexeyso Farmaajo & Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here