Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmayo magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha dalka, gudddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo shanta madaxweyne goboleed oo ku wada sugan caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madaxdu ay shirkooda diiradda ku saarayaa arrimaha amniga, gaar ahaan xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu gorfeyn doonaa heshiiska shidaalka ee ay dhowaan dhameystirtay dowladda iyo gurmadka abaaraha.

Si kastaba, waxaa gabagabada shirkan la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada hadlayaan madaxda Soomaaliyeed ee ku shireysa Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here