Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmayo magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shir deg-deg ah oo u dhexeeyo xubnaha golaha wadatashiga qaran oo ka kooban madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka shirka ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, iyada oo ay inta badan caasimadda ku sugan yihiin madax goboleedyada.

Shirkan waxaa ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana diiradda lagu saarayo mad-madowga soo kala dhex-galay labada dhinac, siiba arrimaha maaliyada, abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wuxuu shirkan ku soo aadayaa, iyada oo todobaadkii hore uu fashil ku soo dhammaaday shir u dhexeeyey wasaaradaha maaliyadda heer federaal & heer dowlad goboleed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here