Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmayo magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxtooyada Qaranka waxaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qaaban qaabadii u dambeysay iyo diyaar garowga furitaanka shirka ayaa haatan ka socota xarunta Villa Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha, gudddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta madaxweyne goboleed ee dalka.

Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa soo gaaray gudaha caasimadda, sida HirShabelle, Galmudug, koonfur Galbeed iyo Jubbaland, halka la wado in Saciid Deni oo haatan ka maqan magaalada Muqdisho uu shirka uga qayb-galo Aaladda Zoom-ka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxdu ay shirkooda diiradda ku saari doonaan arrimo ay ka mid yihiin amniga, dagaalka Al-Shabaab, qeybsiga kheyraadka iyo gurmada Abaaraha.

Sidoo kale waxaa taagan dood kale oo la xiriirta muddo kororsiga ay sameysteen madaxda maamul goboleedyada, taas oo dhalisay xiisad horleh, waxaana ugu dambeeyay dagaalkii maalin kahor ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa la filayaa in ay arrintaasi ka wada-hadlaan kadibna ay soo saaraan go’aan rasmi ah, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhalatay ku darsiga maamul goboleedyada.

Ugu dambeyn waxaa shirkan la filayaa in gabagadiisa laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada hadlayaan madaxda Soomaaliyeed ee ku shireysa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya ee looga arrimayo waddanka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here