BAYDHABO (SMN) – Magaalada Bayddhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta ka furmi doono shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad dgoboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa yeelan doono Golaha Wadatashiga oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Duqa Muqdisho iyo hoggaamiyeyaasha maamullada.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa haatan ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomin doono shirka, ra’iisul wasaare Xamza, ku xigeenkiisa, duqa magaalada Muqdisho, madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo xalay ku hoyday magaaladaasi.
Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka uu ku biiro hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe ama uu uga qayb-galo aaladda Zoomka.
Sid ay ogaatay Idaacadda Shabelle waxaa shirkan ku gacan-seeray madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo gebi ahaan iska diiday ka qayb-galka shirkaasi.
Deni ayaa diidmadiisa sabab uga dhigay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland oo tegaya shirka maalmaha soo socda ka dhacaya magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in shirka Golaha Wadatashiga ee magaalada Baydhabo diiradda lagu saari doono arrimo la xiriira doorashooyinka, ammaanka iyo dagaalla Al-Shabaan, si looga soo saaro go’aano wadajir ah.