Shirka wada-tashiga doorashooyinka ee ka socda Muqdisho oo galay maalintii labaad

0

Shirka golaha wada-tashiga qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka ayaa galay maalintiisii labaad, wuxuuna ka socdaa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii horey looga gaaray qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan ra’iisul wasaaraha, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdishp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here