Shirkada Samsung oo xafiis toos ah ka furatay Somalia gaar ahaan Muqdisho .

0

Daahfurka Samsung soomaaliya waa waji cusub oo hormar leh oo uu kutilaabsanayo ganacsiga soomaaliya, maadaama samsung ay kamid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee caalamka waxaana xaruntaan ganacsi ay ku timid hal abuur ama fikir ay la yimaadeen dhalinyara soomaaliyeed islamarkaana uu ku maal galiyay bangiga salaam Somali Bank.

Xaruntan cusub ee laga hergaliyay muqdisho ayaa Waxaa wakiil kaga ah shirkada SAMSUNG Shirkada HORTEGO oo lajaan qaadaysa habka ganacsiga caalamiga ah iyadoo laga helayo waxyaaba badan oo ay kamid yihiin taleefano isugu jira noocya kala duwan firinjiyeero casri ah, shaashadaha, saacado, qasaalado iyo qalab kala duwan oo ay soo saarto shirkada Samsung.

Xaruntan ayaa bixinaysa adeegyada ay bixiso shirkada samsung sida iibin, badalid, dib u habeyn iyo cilad bixin. iyadoo alaabaha ay iibinayso ay leeyihiin damaanad qaad laba sana ah.

Munaasabad lagu daahfurayay ayaa lagu qabtay Muqdisho waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay dowlada, rugta ganacsiga iyo warshadaha, culumaa’udiin, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Maamulaha shirkada hortego oo wakiil uga ah shirkada somsung dalka soomaaliya Maxamed Cumar Xasan ayaa faahfahin kabixiyay xarunta samsung iyo habka ay u shaqeyso.

Sheekh Cabdil Xayi Xaaji Aadan ayaa ku tilmaamay tilaabo horay loogu qaaday dhanka hormarka waana arin lawada sugaayay oo dadka soomaaliyeed u sahlaya in ay si fudud ku helaan adeegyada shirkadda Samsung.

Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Galaambi oo kahadlay munaasabada ayaa soo dhaweeyay furitaanka xaruntan isagoo tilmaamay in ay door weyn ka qaadaneyso hormarka ganacsi ee dalka.

Agaasimaha technologiyada Gobolka Banaadir Eng. Yabaroow oo kamid ahaa masuuliyiintii kahadashay munaasabada daahfurka ayaa ku amaanay dhalinyarada latimid howhsaan iyo bangiga Salaam Somali Bank oo isna maalgaliyay waxaana uu sheegay in ay tahay arin aad loogu baahnaa.

Agaasimaha guud ee wasaarada boosta isgaarsiinta iyo tichnologiyada dowlada federaalka soomaaliya. Cabdi Casiis Duwane oo xariga kajaray xaruntan ayaa soo dhaweeyay furitaanka xaruntan isagoo bogaadiyay ganacsatadii latimid fikirka ah in dalka lakeeno mid kamid ah shirkadaha ugu waaweeyn ee aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here