Shirkii lagu hawl-gelinayey guddiga hoggaaminaya qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda Qaran oo la soo gabagabeeyey

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qayb galay xiritaanka Shirkii lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP SSC).

Shirka oo labo maalmood socday ayaa waxaa maanta ka qayb galay Xubno ka socday Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiisyada Sarsare ee Dowladda. Waxaa kale oo ka soo qayb galay xubno ka socdey hay’adaha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo xubno matalayey Beesha Caalamka oo lagu martiqaaday xiritaanka shirka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale qiimayn lagu samaynayey wejigii koowaad ee Qorshaha Amniga Soomaaliya (STP) iyo dardar gelinka wejiga xiga ee Qorshaha, iyada oo hoosta laga wada xarriiqay fulinta qorshaha amniga Soomaaliya, lana soo jediyey go’aanno lagu dardar gelinayo dhammays-tirka qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Manaasabadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay mudnaanta ugu sarraysa siinayso, hirgelinta iyo dhammaystirka Qorshan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here