Shirweyne muhiim ah oo ka furmay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Dalka ayaa Maanta Muqdisho ku daahfurtay Shir looga hadlaayo Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirkaan oo muddo sadax maalin socon doono ayaa looga hadlayaa Xog ururin ku saabsan Khilaafyada ka jira Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Dalka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Mas’uuliyiinka kasocday Maamulka Gobalka, qaar kamid ah Guddoomiya-yaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Ururada Bulshada Rayid, Ururada Haweenka iyo Qaar ka mid ah Dhalinyaro ka kala socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Agaasimaha waaxda Dib-u heshiinsiinta ee  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Mudane Abdirahman Hashi Faarah (jabiin) oo furey shirka xog uruurinta khilaafyada Gobolka Banaadir ayaa marka ugu hore ugu mahadciliyay Mas’uulityiintii kasocday Maamulka Gobalka, Kan Degmooyinka iyo dhamaan kasoo qayb galayaashii Shirka, Agaasime Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu Muhiim u yahay Shirkaan Bulshada Ku nool Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir ayna Muhiim tahay ama laga rabo Qofkasta in uu soo bandhigo Caqabadaha kajira Degmooyinka iyo Deegaanada ay kasocdaa in uu Shirka socda.

Sido kale Agasimaha Siyaasadda & Dimoqoraadiyaynta Maamulka Gobalka Banaadir Mudane Yuusuf Calasow oo Goobta kahadlaay ayaa- Sida aad la socataan Gobolka Banaadir 30 kii sano ee ugu dambaysay waxa uu ahaa mid ay ka dhacaysay dhibaatooyin kala duwan in kastoo uu maalinba  maaalinta kale  uu Gobolka horumar ka sameynaayay dhinaca nabada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here