Shirweyne wada-tashi ah oo ka furmay magaalada Garoowe + Sawirro

0

Magaalada Garowe waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaliya.

shirkaan oo ay martigalisay Dowlad gobaleedka Puntland ayaa socon doona saddexda maalmood ee soo socda, waxana dib loogu eegi doonaa waxii ka qabsoomay shirkii horey ka dhacay Muqdisho sanadkii dhamaaday ee 2020.

Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay wasiiradda caafimaadka Puntland, Galmudug, Hiirshabelle,Juballand, Konfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Fowsiya Abiikar Nuur.

Shirka ayaa furitaankiisa waxaa hadalo ka jeediyay wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka soomaliya, dhamaantood ayaa ka mahadceliyay soo dhawayntii qiimaha badnayd ee wasaaradda caafimaadka Puntland ugu samaysay imaatinkoodii iyo inta ay joogeen, waxay sidoo kale  muujiyeen ahmiyada uu dalka u leeyahay shirkaan waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in natiijo wax ku ool ah ka soo baxo maalmaha uu socdo.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Foosiyo Abikar Nuur, oo shirka si rasmi ah u furtay ayaa ugu horeeyn ugu mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland sida wangsan ee ayay ugu dhabeeysay balanqaadkii dhamaadkii sanadkii hore ay balan qaadka martigalinta shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here