Siciid Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigay wadooyin laami ah + Sawirro

0

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoowe ka dhagax-dhigay shan waddo oo laamiya, kuwaas oo laga hirgelinayo caasimadda.

Siciid Deni waxa dhagax-dhiga ku weheliyay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Wadooyinkan ayaa kala ah Wadada Necsom, Towfiiq, Injida , Jidka 30-ka iyo Wadajir. Waxaana tani qeyb ka tahay qorshaha horumarinta magaalooyinka Puntland.

Dhismaha waddooyinkan laamiga ah ayaa qorshaysan in uu dhowaan bilowdo islamarkaana si dhakhso ah loo dhammaystiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here