Sidee wasiir Al-Cadaala loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado?

0

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Cumar ( Alcadaala ) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si balaaran loogu soo dhoweeyay Degmadda Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Degmadda, Saraakiisha ammaanka iyo boqolaal Dadweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa uga hortagay duleedka magaaladaas iyagoo sita caleemo qoyan, calamo iyo boorar uu ku sawiran yahay.

Soo dhoweynta uu Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala kala kulmay Bulshadda iyo maamulka Cadaado ayaa ahayd mid uu meeqaamkeedu sarreeyo oo ka turjumaysa waxqabadka iyo dadaalkiisa mira dhalinta ka shaqeynta nabadda iyo horumarka Bulasho.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Cumar (Alcadaala) ayaa inta uu Cadaado joogo kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Maamulka, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here