Maxamuud Xasan Musharaf “Ciidan Xamar laga qaaday oo Hargeysa la geeyey ma jirto”

0

HARGEYSA (SMN) – Aqoonyahan Maxamuud Xasan Musharaf oo ah siyaasi ka falanqooda arrimaha Somaliland, isla-markaana ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay dibad-baxyada ka socda Somaliland.

Musharaf ayaa marka hore beeniyey in ciidamo laga qaaday Muqdisho la geeyey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay eed ka timid xukuumadda.

“Ciidan Xamar laga qaaday oo Hargeysa lageeyey ma jirto ee waa eedeyn Muuse Biixi soo abaabulay” ayuu yiri aqoonyahan Maxamuud Xasan Musharaf oo la hadlay Shabelle TV.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku dartay in xiisadda taagan ay salka ku heyso arrinta doorashada oo uu sheegay inay ka gaabisay xukuumaddda Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here