La-taliyaha madaxweyne Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

0

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha doorashooyinka, Cali Cabdi Raage ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Siyaasigan oo ay si weyn isku hayaan Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyey waxgaradka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cabdi Cali Raage ayaa Kismaayo u tegay arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya, maadaama uu ka mid yahay musharraxiinta u sharraxan xildhibaanimada, waxaana socdaalkiisa uu kusoo aadayaa, xilli Rooble uu amray in garoomada loo furo siyaasiyiinta.

Dhawaan ayay aheyd markii la-taliyaha madaxweyne Farmaajo ee dhanka doorashooyinka diyaarad uu la socday laga soo celiyey  magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here