SoDMA oo la shirtay Wasaaradaha Maamullada ee qaabilsan bini’aadanimada

0

MUQDISHO – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka [SoDMA] ayaa kulankii ugu horeeyay oo looga hadlay abaarta ka jirta dalka la yeelatay Wasiiradda arrimaha bini’aadanimada ee shanta Maamul Goboleed ee kala ah Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshablle.

 

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarey sidii la isaga kaashan lagaa isku-dubaridka gurmadka dadka abaarta saameysay iyo xoojinta xiriirka wada-shaqeynayd ee SoDMA iyo wasaaradaha, kuwaasoo soo dhaweeyay dib u howlgelinta hay’adda.

Gudoomiyaha SoDMA, Maxamed Macalin ayaa sheegay in heerka cunta-yarida Soomaaliya ay kasii dareyso, islamarkaana dalka uu khatar ugu jiro inay macluul ka dilaacdo markii 2aad mudo 11 sano ah.

Wuxuu ku baaqey in la dedejiyo gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiinaya malaayiin qof oo abaarta saameysay, si looga hortago macluusha laga digayo in qeybo kamid ah Soomaaliya dhamaadka sanadka ku dhufato.

Dalka mudo 4 sano oo isku xigta roob kama di’in, iyadoo sanadkii 5aad uusan di’in roob ku filan dadka iyo duunyada, waxayna tani  sare u qaadey cabsida laga qabo macluusha iyo musiibo bini’aadanimo oo Soomaaliya soo wajahda.

In ka badan 7.7 million oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo, kuwaasoo 3 milyan oo kamid ah ku jira xaalad khatar ah, oo cunto la’aan, iyadoo hadii aan loo gurman dadkaas ay gaajada u dhiman karaan.

Dhinaca nafaqo darrida ayaa aad ugu sii kordhaysa dalka, iyadoo goobaha qaar ee barakacayaasha ku nool yihiin laga soo calaamadeeyay heerkii ugu hooseysay inay marayaan carruurta da’doodu ka yartahay 5 sano.

Carruur lagu qiyaasay 400,000 ayaa aad ula il-daran nafaqo darri ka dhalatay abaarta, waxaana ku jira 100,000 oo u baahan yihiin kaalmo caafimaad iyo mid nafaqeyn ah deg deg ah.

Ku dhawaad 1 milyan oo qof ayaa ku barakacay abaarta tan iyo November 2021, kuwaasoo kasoo cararay degaanad miyiga ah, iyagoo soo gaarey magaalooyinka, si ay u helaan cunto iyo biyo ay ku badbaadaan.

Waxaa la qiyaasayaa tirade barakacayaasha inay hadda mareyso illaa 2 mlyan.

“Faragelinta muddada gaaban ee horey loo arkay xal uma ahan dhibaatada Soomaaliya ay maanta wajahayso, waxaana si deg deg ah loogu baahan yahay xal ka soo kabasho mustaqbalka fog ah si loo yareeyo khatarta iyo nuglaanshaha bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey,” ayuu yiri C/naasir Cabdi Caruush oo ah Wasiirka arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Anagu haddaanu nahay hawl-wadeenada arrimaha bini’aadantinimada waxaanu ka codsanaynaa dhammaan Soomaalida gudaha iyo qurba-joogtaba inay taageeraan walaalahooda wakhtigan adag,” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka.

Ugu dambeyn, wadahadalka SoDMA iyo Wasaaradaha heer Maamul Goboleed ayaa kusoo dhamaadey jawi wanaagsan oo la isku racaay in la mideeyo dadaallada socda ee ka jawaabista abaarata ka jirta dalka.

Waxaa la madliyay horaanta bisha October shirweyne heer qaran, oo ay kasoo qeybgalayaan deeqbixiyaasha caalamka, kaasoo diiradda lagu saari doono xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here