Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada duleedka Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka laga helayo gobola Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay maanta dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen duleedka magaalada Laascaanood ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidanka milatariga Somaliland ee Sool, Sarreeye Guuto Mahad Cambaashe ayaa sheegay ujeedkooda uu yahay inay dib ugu laabtaan magaalada Laascaanood oo ay weli ka socdaan rabshado xoogan.

Sidoo kale wuxuu digniin adag u diray maleeshiyaadka ku sugan gudaha magaalada, isaga oo ku eedeeyay inay qas ka wadaan Laascaanood.

“Karin walba waxa kasoo dhacay nin leh, Laascaanood waa la qabsaday oo dhaxalkii abaha ayaa lagu qaybsanayaaye ina gaadhsiiya … kuwa in aanu duno raba, iyo kuwa dhismahayaga iyo magaaladayada ka xun, intaba waxan leeyahay, ciidankii qaranku ma bixin, xata bixi maayo” ayuu yiri taliyaha ciidamada milatariga Somaliland ee Sool.

Dhaq-dhaqaaqa ciidamada Somaliland ayaa kusoo aadaya, ayada oo weli xaalada Laascaanood ay kacsan tahay , taas oo u muuqata mid haatan ka sii dareysa.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday rabshado xoogan oo haatan isku bedal gacan ka hadal iyo dagaal toos ah oo dhaliyay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here