Soomaaliya oo loo doortay shir guddoonka ururka Carabta ee beeraha

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi uu hogaaminayo Mudane Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shir ay ku qabaneysay Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha Wadanka Mooritaaniya, waxaana ka qeyb galay Shirka Wasiirada Wasaaradaha Beeraha ee Carabta Madaxda Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha, Jaamacadda Carabta, Safiirada Dowladaha Carabta iyo wakiilo ka socday Wasaaradaha Beeraha ee Dowladaha Carabta.

Waxaa nasiib wanaag aheyd in Wadanka Soomaaliya loo doortay inay qabato Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha ee Jaamacadda Carabta, waxaana shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid,

Saciid Xuseen ayaa kala wareegay xilka Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Dalka Mooritaaniya oo horay hogaanka u haayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here