Somaliland oo ciidamo kala dhex-dhigtay beelo dagaalamay

0

Maamulka gobolka Sool ayaa sheegay inay ciidamo xooggan ay geeyeen Ceelka Dhabar-Dalool ee degmada Xuddun oo ay dhawaanahan ku dagaalamayeen maleeshiyaad ka soo kala jeeda laba beelood oo halkaasi wada daga.

Guddoomiyaha gobolkaasi ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in ay haatan kala qaadeen maleeshiyaadkii labada beelood ee dagaallamayay, haatana ay socdaan dedaallo la isugu keenayo labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in hadda xaaladdu ay tahay mid aad u deggan, isla-markaana ay socdaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi.

Dagaal beeleedyada ka dhaca gobolka Sool ayaa ah kuwa soo noq-noqda, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka shacabka ah ee lagu kor dagaallamayo ee ku dhaqan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here