Maxkamadda Hargeysa oo go’aan kasoo saartay xarigga Cabdimaalik Coldoon

0

Hargeysa (SMN) – Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in wax dembi ah lagu waayey Coldoon, waxayna amartay in lasii daayo, hayeeshee waxaa rafcaan ka qaadatay xeer ilaalinta.

Wariye Coldoon ayaa wajahayey eedeymo la xiriira warbixino uu faafiyey, isla-markaana liddi ku ah Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo.

Somaliland ayaa marar badan xirtay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku caan-baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka tabaaleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here