Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay iskaashiga labada Dal

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Mudane Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Labada Dal ee Soomaaliya iyo Finland.

Sidoo kale Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey Dowladda Finland taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here