Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo kala saxiixday heshiis milatari + Sawirro

0

ABU DUBAI (SMN) -Wasiirka Gaashaandhigga  Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa iskaashi dhanka militeriga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ah la saxiixaxday dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wuxuuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

Iskashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero dowladda federaalka, wuxuuna mashaariic kala duwan ka fuliyaa gudaha dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here