Soomaaliya iyo Ireland oo ka wada hadlay taageerada amniga iyo wax wadaagga

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay maanta oo Khamiis ah Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, wafdi Ireland oo booqasho ku yimid dalka oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Simon Coveney.

Booqashada Wafdiga Ireland ku yimid dalka ayaa ka tarjumaysa xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Wafdiga ayaa kulamo la kala yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Xuseen Xaaji, iyo Ra’iisul wasaaraha, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka labo dhinaclaha ah, ayaa looga dooday dhowr arrimood oo xiriirka ku qotoma, oo ay ku jirto doorashooyinka baarlamaaniga iyo midka madaxtinimo ee Soomaaliya, iskaashiga dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay ololaha Soomaaliya ee xubnaha Golaha amniga si guud ahaan dalka looga qaado cunaqabataynta hubka ee lagu soo rogay 23 Janaayo, 1992, taageerada amniga iyo howlgalka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here