Soomaaliya iyo Ireland oo ka wada hadlay taageerada amniga iyo wax wadaagga

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiirka Gaashaandhigga Ireland Mudane Simon Coveney.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Sidoo kale, Kulanka waxa looga hadlay doorashooyinka baarlamaaniga iyo midka madaxtinimo ee Soomaaliya, iskaashiga dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay ololaha Soomaaliya ee xubnaha Golaha amniga si guud ahaan dalka looga qaado cunaqabataynta hubka ee lagu soo rogay 23 Janaayo, 1992, taageerada amniga iyo howlgalka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here