Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada-hadlay xiriirka labada wadan + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo booqasho sharafeed ugu yimid, iyadoo intii kulanku socday lagu fallanqeeyay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa la iskula soo hadal-qaaday xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo iyo dadaalka wadajirka ah ee lagu sare qaadayo heerka isku-duwidda , iyadoo la joogtaynayo wadatashiga lagu xoojinayo dhammaan hababka iskaashiga ee dheef wadaagga leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here