Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada-hadlay arrimaha waxbarashada

0

KUWAIT (SMN) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdul Rizaaq Maxamuud , dalka Kuwait kula kulmay, Wasiirka Waxbarashada Kuwait, Dr; Ali Fahd Al-Mudhaf, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee danta u ah labada dal iyo dadyowga walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadatashiyada socda ee ku saabsan qabanqaabada ah in Dowladda Kuwait ay marti geliso Shirka Caalamiga ah ee lagu taageerayo waaxda Waxbarashada Soomaaliya horraanta 2022 -ka.

Labada wasiir waxay xaqiijiyeen rabitaankooda ah inay horumar sameeyaan dhinacyada oo ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo dejinaya khariidadda waddada, si loo sii ambaqaado qabashada shirka kor loogu qaadayo dedaallada lagu taageerayo waxbarashada, taas oo sare u qaadaysa heerka waxbarashada iyo la -dagaallanka aqoon-darrida, si loola jaan-qaado horumarrada deg-degga ee casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here