Soomaaliya iyo Thailand oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

NAIROBI (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa la kulmay danjiraha Thailand ee dalka Kenya Danjire H.E. Sasirit Tangulrat.

Labada safiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta dhanka ganacsiga ee labada dal.

Sidoo kale labada dhinac ayaa si gaar ah diirada u saaray arimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Kalluumeysiga oo udub dhexaad u noqon kara cilaaqaadka labada dal.

Tarsan ayaa maalmihii dembe kordhiyey kulamada uu la yeelanayo dajireyaasha dhiggiisa ah, isaga oo shalay la kulmay safiirka K/Afrika oo uu kala hadlay xaaladda Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here