Soomaaliya iyo WHO oo ka digay isticmaalka laba sharoobo

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin ka dhan ah isticmaalka laba sharoobo oo loo isticmaalo qufaca, kuwaasi oo lagu sameeyay dalka Hindiya.

Labadan sharoobo ayaa lala xiriirinayaa dhimashada ugu yaraan 20 carruur ah oo ku noolaa dalka Uzbekistan.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in labada sharoobo oo kala ah – AMBRONOL iyo DOK-1 Max – ay samaysay shirkadda lagu magacaabo Marion Biotech islamarkaana ay yihiin daawo aan tayadeedu wanaagsaneyn.

Digniintan ayaa soo baxday kadib markii ugu yaraan 20 carruur ah ay ku dhinteen Uzbekistan bishii hore ka gadaal markii ay isticmaaleen sharoobada qufaca ee Doc-1 Max.

Wasaaradda caafimaadka Hindiya albaabada u laabtay shirkadda halka Uzbekistan ay iyana mamnuucday soo dejinta iyo iibinta Doc-1 Max. Hindiya ayaa sidoo kale bilowday baaritaan ku saabsan dhimashada 20-ka carrur.

Baaritaan kadib, WHO ayaa sheegtay in kiimikada laga sameeyay labada sharoobo ay halis ku yihiin nolosha bini’aadamka gaar ahaan carrurrta.

Mas’uuliyiinta Shirkadda Marion Biotech kama hadlin eedeeyn uga timid WHO iyo Uzbekistan.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday keenista labada Sharoobo ee kala ah AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka, qaybteeda Maareynta Daawada ayaa waxaa lagu sheegay inay heshay digniino caalami ah oo ku aadan waxyeelada Sharoobooyinkaasi, kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Wasaaradda ayaa amartay ganacsatada Soomaaliyeed inay joojiyaan ka ganacsiga daawadaas, waxayna sidoo kale dhaqaatiirtu fartay in aysan u qorin bukaanadadooda.

Ugu dambeyn, Bishii Oktoobar, WHO waxay soo saartay digniin kale oo ku saabsan shirkad kale oo dawooyinka soo saarta oo fadhigeedu yahay India ka dib markii sharoobo ay soo saareen ay dalka Gambia ugu dhinteen ugu yaraan 66 Ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here