Soomaaliya oo cambaareysay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ee dhowaan ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xadgudbay xurmada Diinta, sidoo kalena uu falkan kicinayo dareenka Muslimiinta.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisadam” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku sii daraya “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay cadeyneysaa mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha, waxayna dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyada oo la adeegsanayo xadgudubka iyo qalloocinta diimaha, xurmada iyo caadooyinka Islaamka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here