Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayey xaaladda Falastiin

0

Wasiiru-dowlaha arrimaha debadda XFS Balal Cusmaan ayaa ka qeybgalay shir gaar ah oo guddiga fulinta ururka iskaashiga Islaamka heer wasiir arrimo debadeed ay kaga doodayeen duulaanka Isra’iil ay ku qaaday dhulka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Barakeysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha wata ee laga geystay hareeraha masjidka Al-Aqsa.

Shirka oo ku qabsoomay habka fogaan arraga ayaa waxaa uu ka yimid baqortooyada Sacuudiga oo ah shir guddoonka Kaltankani ee ururka Iskaashiga Islaamka ayaa wasiir Balal cusmaan waxaa uu ka jediyay qudbad uu kaga hadlay sida Soomaaliya ay uga go’antahay in xal loo helo arrimo Falastiin.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha debadda XFS ayaa sheegay in qadiyadda Falastiin iyo tan masjidka Al-Aqsa ay tahay Mudnaanta koowaad ee dalalka Muslimiinta ah.

“Dowladda Faderaalka Soomaaliya waxaa ay baaqeeda ku biirineysaa dalalka Islaamka si loo joojiyo dhibaatadda Isra’il ay ku heyso dhulka iyo dadka reer Falastiin,ayada oo la ilaalinayo xaquuqda dadka reer Falastiin Madaxbanaaninooda,” ayuu yiri Wasiir Balal.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa bulshada caalamka inay qaadaan mas’uuliyadooda ku saabsan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Israel ay ku hayso dhammaan dhulalka Falastiiniyiinta, lana ixtiraamo sharciyada iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xorriyadaha diineed.”

“Soomaaliya waxay sii waddaa taageerida xalka labada dowladood, oo ku saleysan xuduudaha caalamiga ah iyo khadadka 1967-kii, iyadoo Israel iyo dowlad madaxbanaan oo Falastiin ah, kuwada noolaan karaan nabad, amni iyo is aqoonsi labada dhinac ah” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha debadda XFS Balal Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here