Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka ururka ganacsiga ee aagga xorta ah

0

Wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha XFS mudane; Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa maye, ayaa ka qeyb-galay shirkii lixaad ee ay yeeshaan wasiirrada ganacsiga dalalka Afrika ee ku bahoobay heshiiska ururka aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika( African continental free trade area).

Shirka oo ku qabsoomay aaladda fogaan-aragga ayaa looga hadlaayay dhammeystirka heshiiska iyo sidii loo billaabi lahaa dhaqan-gelintiisa iyo siddii waddamada Afrika ay iskaashi uga sameyn lahaayeen horumarinta dhinacyada ganacsiga iyo siddii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee ka jira Qaaradda.

Kulanka ayaa daba socday shir hore oo agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha ganacsiga Afrika ay ku yeesheen wadanka Gana, waxaana uu heshiiskani kor u qaadi doonaa suuqyada Afrika ee ay Soomaaliya la lee dahay waddamada Qaaradda oo ay u dhoofin doonto wax-soo-saarkeeda ganacsi, iyada oo sidoo kale noqon doonta xuddun isku xirta qul-qulka ganacsi ee adeegsan doona Badweynta Hindiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here