Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirada ee Jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/Risaaq oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali ( Taano ) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Masar ahna ergayga Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa maanta ka qayb galay shirka Wasiiradda dowladaha Carabta oo goor dhaw ka furmay Magaalada Doxa  ee Dalka Qatar.

Shirka oo goor dhow furmay ayaa wali waxaa socda khudbadaha furitaanka ee Wasiirada.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Mudane Maxamed C/risaaq  iyo Dajiraha Dalkeena u Jooga Qatar Danjire C/risaaq Faarax Taano ayaa kulan gaar ah la yeelan doona galinka dambe ee maanta Wasiirka Amuuraha Dibadda Dalka Suudaan Marwo Maryam Daadiq Al- Mahdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here